afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:03 pm | Posted by

Gudoomiyaha degmada Laascaanood iyo ku xigeenkiisii ayaa xabsiga la dhigay

Isku dhac dhex maray masuuliyiinta maamulka Somaliland ee gobolka Sool ayaa sababay in xabsiga loo Taxaabo gudoomiyaha degmada Laascaanood Keyse Maxamed Xaaji Xuseen iyo ku xigeenkiisa Maxmed Aadan Macalin.
Isku dhacan oo saaka mar keliya ka oogsadey meel aan ka fogey saldhiga Booliska ee waqooyiga magaaladda Laascaanood ayaa waxaa ka dhex dhalatay is rasaasayn u dhexaysey labadda Ilaalo ee masuuliyiinta is maan dhaafay taas oo aan cidina waxba ku noqon.
Duqa degmada Keyse ayaa ciidanka boolisku qabteen kadib markii ay istaagtey rasaastii ay ridayeen ilaaladiisu, iyadoo loo geystey jidhdil iyo sharf ka qaad ay dadkii ku dhowaa goobtaasi ku tilmaameen midaan qof shacab ah lagula kicin iskadaa masuule.
Masuuliyiintan ayaa lagu xidhay qol aad u yar cidhiidhina ah kaas oo badanaa lagu xidho dadka denbiyada culus geysta badanaana loogu yeedho (Sheelo).
Ma cadda sababta keentay xadhiga iyo dagaalka baahsan ee maamulka Somaliland u igmatay gobolka Sool isku baahiyeen walow la sheegayo in ay jiraan khilaafyo badan oo soo jiitamayey una dhexeeya duqa degmada iyo gudoomiyaha gobolka.
Maaha markii ugu horeysey ee si sharf ka qaad ah loogu rido xabsiga iyadoo waqti haatan laga joogo ku dhowaad laba sano xabsiga si aan sharaf lahayn loogu jiidey duqii hore ee degmada Laascaanood Axmed Awdaahir xaaji xasan

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/Sool

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM