Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada Huwanta iyo Al-Shabaab iyo Deegaano hor leh oo laga qabsaday Shabaab
Waxaa Shalay ilaa Maanta Dagaalo Culus kasocdeen Deegaano Hoostaga Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo kaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada KMG ay kaabiyaan kuwa Kenya iyo Ahlu Sunna iyo Xarakada Al-Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalka ayaana ahaa mid qorsheesan ay soo qaadeen Ciidamada Huwanta ah iyadooan ujeedka dagaalka ku sheegeen in ay ku doonayaan in ay la wareegaan Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo oo hada gacanta Al-Shabaab kujira.
Ciidamada Huwanta ayaana la sheegay in ay la wareegeen Deegaano dhoor ah oo ku dhaw Degmada Baar Dheere ay horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab iyagoona hada kusii jeeda dhinaca Degmada Baar Dheere lana soo sheegayo in ay kaabayaan.
Saraakiil u hadashay Ciidamada Dowlada iyo Ahlu Sunna ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalka guulo ka gaareen lana wareegeen Deeganao dhoor ah sidoo kale ay dileen Dagaalyahano tiro badan oo katirsan Al-Shabaab.
Dagaalka galay maalintii labaad ay ka dhacay Deegaano Hoos yimaada Degmada Baar Dheere ee Gobolka Gedo ayaa dhaliyay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo gaaray labada dhinac inkastoo aysan dhinacyadu faah faahin qasaaraha soo gaaray.
Al-Shabaab iyagu wali si rasmi ah ugama hadlin Dagaalka ka dhacay Deegaanada hoos yimaada Degmada Baar Dheere iyo goobaha laga qabsaday waxaana inta badan Shabaab looga bartay marka ay guul daro soo wajahdo in ay ka aamusaan waxyaabaha socda.
Degmada Baar Dheere iyo Buur Dhuubo ayaa ah labada Degmno kaliya ay wali ku harsan Gacnta Al-Shabaab Gobolka Gedo iyadoona hada ay socdaan guluf colaadeed ee Ciidamada Huwanta ku doonayaan in Gacanta Al-Shabaab kaga bixiyana Degmooyinkaasi.