Wasiirka Gaashaandiga Siiriya oo ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Dimishiq
Qarax ka dhacay bartamaha magaalo madaxda dalka Siiriya ee Dimishiq ayaa waxaa ku dhintey wasiirkii gaashaandhiga ee dalka Siiriya Daoud Rajiha iyadoo ay ku dhaawacmeen madax kale oo ka mid ah dowlada Siiriya.
Qaraxan ayaa dhacay kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in ciidamada mucaaradka dalka Siiriya ay ku soo socdaan magaala madaxda dalkaasi ee Dimishiq iyadoo dowlada Siiriyana ay beenisey warkaas.
Talefishinka dawlada Siiriya ayaa laga baahiyey warka ah dhimashada wasiirka difaaca waxana ay xukuumada Siiriya ku macneysey weerarka lagu qaaday madax ka tirsan dowladasi inay tahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo ammaanka dalka Siiriya.
Sidoo kale waxaa la leeyahay in qaraxan uu ku dhintay Nin ahaa seedigii Madaxweyne Bashar Al-Asad
Qaraxan ismiidaaminta ayaa yimid xilli kulan ay ku lahaayeen dhismaha xarunta ammaanka qaranka oo saraakiisha ay ku shirsanaayeen.
“Wasiirkii ifaaca Siiriya waxaa dilay kooxo argagixiso ah oo ku beegsaday bam, Dhismaha Ammaanka Qaranka”ayaa lagu yiri Warbixin uu sii daayay Telefishinka Qaranka.
Gen Rajiha ayaa ahaa wasiirka daafaca inkayar hal sano isagoo markii hore ahaa taliyaha ciidamada dalka Siiriya, dowlada Maraykanka ayaa gelisey liiska madow iyadoo kueedeysey in uu lug ku lahaa cadaadinta la saaray ururka mucaaradka ah.
Weerarkan ayaa yimid xilli madaxda qaramada midoobay ay isku dayayaan in dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka dhaadhiciso in lagu soo rogo dowlada Siiriya cunoqabatayn dhaqaale oo adag.
Weerarkan is qarxinta ayaa ku soo beegmeya iyadoo dagaalo xoogan ay ka socdaan magaalada Dimishiq, iyadoo kooxaha mucaaradka ay kordhiyeen dagaalada ay kala soo horjeedaan Dowladda keli taliska ee Bashar Al-Asad.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Safiirkii Suuriya Ciraaq u fadhiyay uu ku dhawaaqay inuu ku biiray Mucaaradka, halka sarkaal sare oo Ciidamada Suuriya ka tirsan uu ka goostay nidaamka Bashar Al-Asad.
