afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:41 pm | Posted by

Afar kamid Ciidamada Dawlada Ayaa Maxkamada Ciimada Ay toogatay Maanta

Afar ka mid ah ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa goordhow lagu toogtay xarunta Iskuul Paluuziya ee magaalada Muqdisho.

Askarta ayaa waxa xukunka dilka ku fulisay maxkamada ciidamada Qalabka Sidda ee Dowlada Soomaaliya.

Ujeedada amaanta loo toogtay afartaan ka mid ah askarta ciidamada Dowlada ayaa ahaa ka dib markii horay ay u dileen afar ka mid ahaa ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Mudooyinkii dambe waxaa Askarta maanta la toogtay ay ku xirnayeen saldhib ku yaala magaalada Muqdisho ka dib markii horay xukunka loogu riday ,iyadoo maantana la toogtay.

Taliyaha Ciidamada Police-ka ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin,oo goobta toogashada ka dhacaysay ka hadlay ayaa sheegay in maanta xukunkaan lagu fuliyay askartaan ka tirsan ciidamada Dowlada.

“Xukunka mar hore ayaa lagu fuliyay laakiin ,toogashada ayay sugayeen,waxaana afartooda ay horay u dileen askar ka tirsan ciidamada”ayuu yiri Col Maalin.

Sidoo kale waxa goobta togashada ka dhacay ku sugnaa Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”,gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida.Goordhow ayaa lagu wadaa in Muungaab uu isna ka hadlo xukunkaan.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Soomaalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM