afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:10 pm | Posted by

Amisom oo goor dhaw shaacisay inay gacan bir leh ugala hortaggi doonto ragga ka soo horjeeda Roadmap-ka

Taliska Amisom ayaa waxay sheegeen inaysan gacmaha ka laaban doonin ragga ay sheegeen inay ka soo horjeedaan Geeddi Socodka Nabadda “Roadmap”, kuwaa oo ay sheegeen inay gacan bir leh ugala hortaggi doonaan.

Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyinyi, oo goor dhaw Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Taliska Amisom ee Xalane, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan gacmaha ka laaban doonin ragga uu sheegay, inayba ka soo horjeedaan meel marinta Roadmap-ka.

Roadmap-ka ayaa wuxuu sheegay in uu yahay xalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loogana gudbaayo buu yiri marxaladihii adkaa ee uu soo baaray dalka Soomaaliya, isla-markaana ragga ka soo horjeeda ayaa wuxuu ku sheegay, kuwa aanu dooneyn xalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo-raadinaayo, sida uu yiri.

Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa wuxuu sheegay inay la-dagaalami doonaan raggaasi, oo uu ka gaabsaday in uu ku hadaaqo magac-yadooda, balse wuxuu uga digay inay ka waan-toobaan arrimaha uu sheegay inay faraha kula jiraan waqtigaan.

Wafula Wamanyinyi ayaa ka dhawaajiyay in Dastuurka Qabyo Qoraalka uu ka mid yahay afarta qodobo ee uu ka kooban sida uu yiri Khariirada Nabadda “Roadmap”, isagoo intaasi ku daray in Dastuurku uu yahay mid aan shaki la-gelin kareyn meel marintiisa, sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la-soo magacaabay inta badan Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, isla-markaana wuxuu amuurtaasi uu ku tilmaamay sida dadka Soomaaliyeed ay nabadda ugu baahan yihiin.

Dhanka kale Mr Wafula Wamanyinyi ayaa wuxuu sheegay in Sabtida soo socota Magaalada Muqdisho lagu qabanaayo xaflad ballaaran, taasoo uu sheegay in lagu soo bandhigi doono Ergayda Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, kuwaa oo uu sheegay inay soo magacaabaan Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida, oo iyagu loo-wakiishay soo magacaabida xubnahaan.

Ugu dambeen Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Wafula Wamanyinyi, ayaa ammaanay guulaha laga gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom la-galeen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Mqodisho/Soomalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM