Daawo Video”Ciyaartoyda Soomaliya u Matayleysa Olimbikada Adduunka oo Si Heer qaran ah loogu Doo Dhaweeyay Heathrow”
Labada ciyaaryahan ee Soomaaliya u matayalaya ciyaaraha Olimbikada adduunka ee dhamaadka bishaan ka furamaya London ayaa ka degay garoonka Caalamiga ah ee Heathrow ee magaalada London halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
Mohamed Hassan iyo Zamzam Farah ayaa ah labada ciyaaryahan ee ka qeybgalaya ciyaaraha Olimbikada adduunka iyagoo matalaya dalkeena hooyo ee Soomaaliya, waxaana shalayto si heer sarre ah looga sii sogootiyay garoonka Aadan Cadde Internation Airport ee magaalada Muqdisho.
Isbuucyadii u danbeysay ayay labadan ciyaaryahan diyaargarow xoogan u sameynayeen ka qeybqaadashada tartaankan ciyaaraha Olimbikada ee London ka fumaraya 27da bishaan July.
Zamzam Faarah waxa ay ka qeybgeli doontaa tartanka orodka hablaha ee 400 mitir, halka Mohamed Hassan uu ka qeybgeli doono tartanka orodka ragga ee 1500 mitir.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
London-Uk
Afbakaylenews@gmail.com