Fernando Gago Oo Ku Dhow Inuu Ku Biiro Kooxda Valencia.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Fernando Gago ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo Valencia iyadoo wakiilkiisa uu haatan wadahadalo la leeyahay madaxweynaha Los Che Manuel Llorente, sida ay ogaatay goal.com
Wakiilka ciyaaryahanka Marcelo Lombilla ayaa la hadlay goal.com daqiiqado ka hor inta uusan la kulmin madaxa Los Che, waxaana uu xaqiijiyay inuu soo gabagabeynayo heshiiska uu ciyaaryahanka reer Argentina ugu wareegay Mestalla Stadium.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa haatan looga baahneyn kooxda Real Madrid ee Jose Mourinho, waxana uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Roma oo uu u saftay 31 kulan.
Gago, oo 26 jir ah ayaa doonaya inuu sii joogo La Liga, waxaana ay haatan u muuqataa inuu xilli ciyaareedka soo socda ka ciyaari doono Mestalla Stadium.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com