Maayarkii Degmada Laascaanood Ee Somaliland Oo Iscasilay
Maayarka degmada Laascaanood ugu magwacnaa Maamulka Siilaanyo ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkii iska casiley kadib markii uu shir-jaraa`id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee degmada Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Gudoomiyaha degmada Keyse Maxamed Xaaji Xusseen ayaa iscasilaadiisa ku macneeyey caqabado kaga yimi maamulka gobolka mudooyinkii la soo dhaafay taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aanu ka wadan karin hawlihii degmo.
Keyse waxa uu ka war bixiyey waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayey oo ku dhow laba sanadood waxaanu si cad u weeraray gudoomiyaha gobolka oo uu sheegay inuu kula kacay falal aad u qalafsan oo ay ka mid yihiin xadhi.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Laascaanood ayaa isagu sheegay isla shirkaasi jaraa`id in uu ka war sugayo maamulaka Somaliland khaasatan wasiirka arimaha gudaha balse uu sii wadi doono shaqadiisa.
Iscasilaada Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa ka danbaysey kadib markii xabsiga loo taxaabay Talaadadii aan soo dhaafnay isaga iyo kuxigeenkiisa isqabad soo jiitamaayey oo u dhexeeyey maamulka degmada iyo maamulka gobolka Sool.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com