Mid ka mid ah atoorayaashi ugu caansanaa dalka India oo geeriyooday Waxaa Qoray: Abdiqadar Ahmed(Daawo+Sawiro)
Atoorihi ugu horeeyey ee shirkada Filimada dalka India Bollywood ka naqda xidig sare “first superstar” Rajesh Khanna ayaa dhintay isaga oo ahaa 69 jir.
Qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa xaqiijiyey geerida jilaagaan kadib marki uu u dhintay xanuun ka hayey xaga neefta oo uu marna isbitaalka la jiifanayey marna loogaga soo saarayey maalimihi lasoo dhaafay.
Ma cada waxa sababay xanaanunka neef wareenka ka haleelay ee uu u dhintay atoorahaan.
Khanna ayaa si weyn uga soo caanbaxay dalkaasi India marki uu sameeyey aflaan badan oo ku saleysan xaga jaceylka kuwaasi oo si aad ah loogaga daba dhacay sanadihi 1960s iyo 1970s.
Xidigaan ayaa waxa uu jilay in ka badan 160 filin oo ay ku jiraan filimada kala ah Kati Patang, Aaradhana, Anand iyo Amar Prem.
Dalka India gudahiisa wuxuu ku leeyahay taageerayaal aan caadi aheyn oo aad u tira badan, waxaana mar walba oo uu mujtamaca kasoo dhexmuuqdo kusoo xoomi jiray taageerayaal fara badan.
Khanna hada wuxuu ku qurbaxay qoyskiisa dhexdiisa iyo gurigiisa oo ku yaala magaalada Mumbai sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Press Trust of India taasi oo intaasi raacisay in Isniinti lasoo dhaafay laga soo saaray isbitaalka.
Wiilka qaba gabadhiisa oo isna ah atoore kale Akshey Kumar oo ay Soomaalida u taqaano Mr. Boon ayaa xaqiijiyey geeridiisa isaga oo sheegay inuu ku dhintay goob nabad ah oo wanaagsan, waxa kale oo uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin in aabahood uu ku dhintay bartamaha qoyska.
Akshey Kumar ayaa qaba gabadha iyaduna filimada jisho ee Twinkal Khana taasi oo uu shalay ninka haatan geeriyooday Rajesh Khana.
Dad badan oo magac ku leh dalka India ayaa tacsi u diray kuwaasi oo adeegsanaya aalada Twitter-ka, kuwaasi waxaa ka mid ah Ra’isulwasaaraha dalkaasi Manmohan Singh.
Jilaaca gaanka ah ee la yiraahdo Anupam Kher, balse Soomaalida u taqaano Aabaska ayaa isna u tacsiyeeeyey qoyska iyo taageerayaasha Rajesh Khanna isaga oo yiri “Rajesh Khana wuxuu nasiiyey Koorso deg deg ah oo xaga jaceylka ah waayadiisii filimada, waxana uu noo soo saaray gabadhiisa twinkale oo aan ku xasuusan doono,”
Filim soo saaraha Karan Johar ayaa isna ku sheegay Twitter-kiisa in keydka sineemooyinka India aysan marnaba ka bixi doonin magaca RAJESH KHANNA.
Dadka ka hadlay geeridiisa kana tacsiyeeyey waxaa ka mid ah filim sameeyaha la yiraahdo Mahesh Bhatt iyo aktarada caanka ah ee Shabana Azmi oo iyadu la sameysay in ka badan 10 filim kuwaasi oo sheegay in qof ay waayeen dadka reer India
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Soomaaliya
Afbakaylenews@gmail.com




