Abaanduulihii Maleeshiyada Somaliland C/llaahi Jaamac Calas Oo Iscasily-
Abaanduulihii Maleeshiyada maamulka Somaliland, C/llaahi X. Jaamac Calas, ayaa la sheegay inuu maanta iscasilay, Ilaa hada ma cada in laga aqbalay iyo sababta ku keliftay, hase yeeshee Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo xaqiijiyay inuu maanta Siilaanyo u gudbiyay qoraalkiisa uu ku dalbanayo Iscasilaada.
Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ku kaliftay Cabdillahi arrintan, hase yeeshee warar ayaa sheegay in Abaanduulaha aan wax shaqo ah loo dirsan ee uu iskaga jiray buulka tan iyo markii loo magacaabay xilkan sanadkan horaantisii,Taasina keentay inuu maanta iscasilo.
Waxaan sida la sheegay buulka dhegay ninka Taliyaha u ah Maleeshiyada Hargeysa ee lagu magacaabo Shaqalle.
Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xili khilaaaf badan iyo jaahwareer haysto horgalada reer Sool ee u shaqeeya maamulka Hargeysa.
Maayarkii Laascaanood ayaa isna maanta sidan oo kale isu casilay kadib markii uu dhowaan Badhasaabka Gobolka Sool xabsiga u taxaabay isaga iyo ku-xigeenkiisa.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Soomaaliya
Afbakaylenews@gmail.com
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkalla yaa ila qosla walaahay waa xeebtii waa laisku soo kubaareeyey hal hal u soo dhaca ha iska daba timaado.waa sidii odaygii riwaayada dhigayay yiriye.habaar sokeeyay qabaanoo weligood aflixi maayaan iyagaana horgaladu is wanjalaya waar hooy maanta waqti ayaad haysataane soo raaca khaatumo oo dadkiina u kaalaya oo shisheeyaha iska daaya.mid quruxi ka muuqataa idinkuma jiro waataa afku idin wada dheeraadaye.siilaanyuu warqad u diray ku lahaa ma doqonbaa xil loo dhiibaa magtii wiilkiisa ku darajo doontay.