Faahfaahintii u dambeysey oo aan ka helney Isbitaalka guud ee Garowe oo Saado Cali lagu daweynayo
Sida uu noo xaqiijey hawlwadeen caafimaab oo Isbitaalka Garowe iyo waliba saraakiil ka tirsan Wasarada Caafimaadka oo ku suga Isbitaalka Xaalada Saado Cali Warsame aad ayay u fiicantahay, gacan ayay ka jabtay, jug yarna waa gaartey, qoorta ayaa iyana jug ka gaartey lakiin illaah mahadii Fanaanada Qaranku aad ayay u fiicantahayayay ku soo koobeen.
Xaalada Fanaanada ayaa markii hore laga baqsanaa in qoorta wax wayn ka gaareen balse waxay dhakhaatiirtu cadeeyeen iney aad u wanaagsan tahay. Hadana ay iyadu afkeeda ku hadlayso.
wariye kamid ah dadka dhwacmey ayaa isnaqaliin lagu wadaa hada, dhinaca feeraha ayay wax ka gaareen, ninkale oo aan naloo xaqiijin wuxuu yahay waa dhawac halis ah, oo waaa lala tacaalayaa.
Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Dowlada Puntland aya iminka ku sugan Isbitaalka, Boqolaal shacab ah ayaa isasoo dhoobey Isbitaalka si ay u soo booqdaan Fanaanadooda qaaliga ah,
Waxaa iyana Isbitaalka soo gaarey Ciidanka amaanka oo Dadka kusoo xoomey Isbitaalka ka hortaagan amaankana sugaya.