Inta badan Gobolada dalka Soomaaliya oo saaka laga soomay iyo Gobolada Dhexe ee Ahlusuna oo aan laga soomin
Iyadoo inta badan xalay dalalka Islaamka ku dhawaaqeen in maanta oo jimco ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Gobolada dalka Soomaaliya qaarkood saaka dadka ay soomeen.
Gobolada Koofureed ayaa dadka ay sooman yihiin, inkastoo meelaha qaar aan laga soomin, maadaama si khilaaf uu ku jiro bisha looga arkay.
Bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa meelo kooban laga arkay, waxaa ka mid ah Gobolka Bari iyo dhulka Somaliland, sidoo kale waxaa jirtay in laga arkay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan.
Wasiirka Garsoorka, diinta iyo awqaafta ayaa ka dhawaajiyay in maanta tahay maalin Ramadaan ah, dadkana ay soomaan, si ay uga faa’ideystaan faa’idada ay bisha leedahay.
Ugaas Axmed Bille ayaa sheegay in aan la arki karin goobaha laga cunteeyo oo furan iyo meelaha Qaadka lagu cuno, isagoo faray Ciidamada ammaanka inay tallaabo cad ka qaadaan masoomayaasha iyo maqaaxida laga cunteeyo.
Deegaanada Koofureed ee ay ka taliyaan Al-Shabaab ayaa iyana si isku mid ah looga soomay, waxaana xalay masaajidada qaar dadka looga sheegay in maalinta Jimcaha oo maanta ah ay tahay Maalin Ramadaan ah.
Dhinaca kale Gobolada Dhexe ee ay ka taliyaan Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa saaka laga soomin, kadib markii saraakiisha Ahlusuna ay sheegeen in aan bisha la arkin, isla markaana uu khilaaf ka jiro.
Meelaha aan laga soomin waxaa ka mid ah Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaanada kale waxaa soo raaca deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug oo aan iyana laga soomin.
Ramadaankan ayaa ku soo aadaya xilli gobolada dalka ay ka jiraan colaado iyo xiisado dagaal u dhaxeeya dhinacyada isku haaya siyaasada dalka oo ay taageerayaan ciidamo shisheeye
Xafiiska ShabakaAfbakayle.com
Moqdisho/somaliya
Afbakaylenews@gmail.com