War DegDeg Ah: Fanaanada Caalanmiga Ah ee Saado Cali Oo Ka Badbaaday Shil Baabuur oo Ka Dhacay Duleedka Garowe Iyo Wariyihii Shabakadda Taleex.net Oo Ku Geeriyooday..
Shilgaadhi oo ka dhacay halka lagu magcaabo dunkuqooq ama Birta dheer ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo uu ka mid yahay Tifatirihii webka Taleex.net iyo wadihii gaadhiga.
Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacantay Fanaanadda Caanka ah ee Saado cali Warsame, oo markii hore la sheegay inay dhimatay balse waxaa artaasi cadaysay Wasiirka Haweenka maamulka Puntland Caasha Geele oo sheegtay inay la hadashay gacantana ay ka jaban tahay.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan inay halkaasi ku dhaawacmeen dhawr qof oo gaadhiga la saaraa, gaadhigan oo ka mid ahaa kolanyo baabuur ah oo soo dhoweynaysey Fanaanadda Saado Cali Warsame
Wararka Shabakkada Calamiga ah
Ee Afbakayle news / Johansburg Sout Africa.