186 maalmood ka dib waa sidee maamulkii Khaatumo ee taleex lagu yagleelay lix bilood ka hor maxaa u hirgalay maxaa ka dhicisoobey Sabab”Qaybtii 1aad”
Lix bilood iyo maalmo ayaa laga joogaa markii dhidibada loo taagey maamulka loogu wan-qalay Khaatumo State of Soomaaliya, kaas oo badanaa dadku ka dheregsan yihiin siyaabihii uu ku yimi iyo halka uu ka soo jeedo oo aan ka xusi karo shirkii lagu qabtay London oo lagu maamusay in loogu magac dhabo Khaatumo1.
Imaanshihii degmada Taleex oo saadaal xoogan ka muuqatey caqabado badan oo kooxo kala duwan maleegayeen waxaa lagaga gudbey dadka degaankaas oo badanaa diidanaa ceeb in meesha lagala hoydo waana lagu guulaystey oo waxay noqotay mida haatan maraysan meel isbedelkii labaad loo gudbo.
Intaynaan hada odhan qodobo dhawra faaladoodu seda ay wax yihiin aan inyar milicsano muuqaalkii taleex iyo aasaaskii maamulka Khaatumo:-
Maamulka dhismihiisa ka dib waxaa si weyn degaano badan uga muuqday talaabooyin iskaa wax u qabso ah oo ay dadka degaanadaasi wadaan oo ay ka mid ahaayeen mashruuci dooxada Dhumay lagaga goynayey geedka Garanwaaga, maalgashi ay qurbajoog badani degaanka Xalin sheegeen inay beero ka samaysanayaan, iyo ururo badan oo si qiiro leh talaabooyin kala duwan ka qaaday degaano ay ka mid yihiin Buuhoodle, Taleex, Boocame, Xudun, Awrboogays, Fiqifuliye iyo Laascaanood.
Dhamaan talaabooyinkaas ay dadku iskood isugu xilqaameen ayaa muujinaayey rabiytaanka bulshada degaanadda la doonayey in uu maamulo maamulka la laga yagleelay magaaladda Taariikhiga ah ee Taleex.
Qormadaan waxaan u qaybinaynaa dhawr qormo hoosaad oo ay ka mid yihiin:-
- Maxaa u qabsoomay maamulka Khaatumo Gudaha Maxaase caqabado ah oo ku yimi
- ” Siyaasada Dibida Khaatumo Gudaha Maxaase caqabado ah oo ku yimi
- ” Golaha 10aad Khaatumo Gudaha Maxaase caqabado ah oo ku yimi
- ” Golaha Dhaqanka
Maxaa u qabsoomay maamulka Khaatumo Gudaha Maxaase caqabado ah oo ku yimi

Waxaa hubaal ah in maamulka Khaatumo State oo loo magcaabay masuuliyadiisa Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash” uu ahaa mid ay dad badani qabeen in shaqsigii ugu haboonaa loo taabtay kaas oo ahaa nin hawlo baaxadleh oo degaanka lagu badbaadinayo ka qabtay dhulka ay budhcad dhuleedku xaalufinayeen.
Ma ilawsani inay jireen laba Masuul ee xilka la wadaagey waxaanse haatan kawaanka soo dhigaynaa 183 maalmood oo uu masuulkani xilka isgu awoodiisa lahaa haba la shego inay talo wadaag ahaayeen.
Waxqabadkii
Waxaan si kooban isugu deyeynaa inaan eegno waxqabadkii lagu guulaytey ee la odhan karo waa wax la wada og yahay oo muuqda:-
- Waxaa lagu guulaystey in la sameeyo hoos u dhaadhac kooban oo wasaaraddaha qaarkood khaasatan wasaarada Arimaha Bulshada lagu sameeyo oo la magcaabo agaasimayaal iyo agaasime guudba in kasta oo dadka wax dhaliilaa ay dabada haystaan oo leeyihiin beesha madax weynaha ayay wixii la wada magcaabayba noqdeen.
- Maamul u samaynta Degmooyinka Taleex oo u horeysey, Buuhoodle oo laba jeer ah iyo degmada Xudun oo u danbaysey.
- Dhismaha Garoonka diyaaraddaha ee degmada Taleex oo Seyid Maxamed loogu naanays bixiyey, iyo Garoonka Buuhoodle oo isna haatan meel gabagabo ah maray.
- Ciidamada ayaa si fudud ku oo degdeg ah loo dhisay kuwaas oo soo gadhey duleedka magaaladda Laascaanood kuna dhowaadey inay qabsadaan, walow ay meeshii ka baxeen hadana dadka dhinaca wanaagsan ka eegaa waxay soo qaataan sheeko ah (nin baa hal aan sheegideeda afka la soo marin karin midab geela ugu tilmaan wacan, ninkii intuu Qor iyo laba shakadood qaatay go`aansaday inaanu laba danbe ismarin warabaahaa oo goobtii raqdu taaley dhabacdey, waxuu sugaba waqti danbey ayuu yimi, waa mid wax u laabnaayeen xabadihii ilaahay waa baal mariyey oo ma haleen, markaasaa waaberigii ninkii la weydiiyey oo lagu yidhi ma dishey waraabihii, waxase uu ku jawaabey hadalka dhaxalgalka reebay ee ah “Ma dilin laakiin ogaa inaan nikii hasha lahaa ahay). balse dadka dhanka kale wax ka eega ayaa sheegaya in aanay haboonayn waqtiagan in duulaan ciidanku soo qaadaan oo loo baahnaa tababar iyo istiraatijiyad dagaal oo cilmiyaysan, tana waxaa laga dhaxlay baa la leeyahay waaya aragnimo.
- Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare iyo Dhexe oo ay kala wareegeen cidii horey gacanta ugu haysey ayna si buuxda u noqotay talaabo farxad gelisey bulshada in kasta oo ay taas amaanteeda leeyihiin Ardayda dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaaladda Laascaanood oo go`aansaday inaanay marna gelin imtixaan ay Somaliland qaadayso.