afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:36 pm | Posted by

Daawo Sawirada:Soomaali ku dhimatay dab ka kacay gurigii ay daganaayeen oo ku Yaal galbeedka wadanka Australia

Sida ay ku waramayaan warbaahinta wadanka Australia muwaadin Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 18 sano jir ayaa ku geeriyooday hooyadiisna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu dab ka kacay guri ay ka daganaayeen Albany ee galbeedka wadanka Australia.

Wararku waxay sheegayaan in wiilkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadanka Australia ayaa geeridiisa timid kadib markii ay qaraxday haanta lagu keydsado Gaaska raashinka lagu karsado.

Saraakiisha ciidamada dab damiska iyo shaqaalaha grmadka ayaa sheegay in hooyada dhashay wiilka geeriyooday oo guriga ku go’doonta yiyadoo dhaawac ah laga soo saaray haddana lagu dawynayo isbitaalka Royal Perth Hospital la yiraahdo.

Hooyadaan oo 58 sano jir ah ayaa wararku sheegayaan inay xaalad adag ku jirto hawl wadeenada Isbitaalkaasna ay ku wadaan baxnaanin.

Lama shaacin magacyada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoogaartay dabka xalay ka kacay gurigii ay ka daganyihiin wadankaasi Australia.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen qarax xoogan oo guriga ka dhex dhacay kadibna uu holac iyo uuro ayaa ka kacay guriga.

Soomaali badan oo qaxooti ah oo ka cararay dhibaatadda Soomaaliya ka jirta ayaa ku nool wadanka Australia.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Muqdisho Somalia
Afbakaylenews@gmail.com





Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM