War Dagdag ah:Jaamc Oday Oo Kamid Ah Shakhsiyaadka Ay Isku Dhow yahiin Silaanyo Oo Sheegay Inuu Isaga Baxay siyaasada Qaloocan Ee Silaanyo
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyada silaanyo Jaamac Axmed Maxamuud (Jaamc Oday) ayaa la sheegay inuu ka degay Caasimada Somaliya ee Muqdisho, halkaana uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ah inuu Isagha baxay Maamulka habhada soomaalidiidka .waxana uu horaantii bishii June ee sanadkan iska Casilay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada ayaa sheegay unuu isaga baxay siyaasada maamulka silaanyo,waxana utagey magalada muqdisho halkaasi Oo uu ka bilabay hawl-galada siyaasadeed ,waxaase laxaqiijiyay inuu ka qayb gelay shirar muhiim ah oo la xidhiidha arimaha soomaiya, kuwaasoo sida la tibaaxayo uu uga qayb galay si heer sare ah.
Jaamc Oday Oo kamid ahaa siyaasinta xigta ha ahaya ujeedada maamul xumada silaanyo Ayaa markii uu iscasilay aan si rasmiya loo ogayn sababtii uu shaqada uga tegay, isla markaana ay jireen warar iskhilaafsan oo la xidhiidhay iscasilaadiisa, kuwaasoo ku salaysnaa in beeshiisu u suldaan u dooranayso, inuu Jaamacad dibadeed u baxayo iyo inay iskhilaafeen silaanyo .
Habhada silaanyo waxay sheegtay inuu hanti lunsaday, maadaama oo uu xil muhiim ah ka hayay beeshaasi , waxa lagu soo waramayaa inuu yahay in xogta silaanyo haya,sir badana kala tegay .
Dhinaca kale Jamac Oday oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ee uu Siilaanyo ka dhashay, kana mid ahaa Ragii ugu cad-cadaa Xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa sanadihii ugu dambeeyay buburay, ayaa noqonaya shakhsigii saddexaad ee Magac huwan SNMÂ ee u baxa Somaliya, isla markaana ku biira siyaasada Somaliya iyo shirarka lagu ansixinayo Dastuurka Somaliya.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Hargaysa/soomaaliya
Afbakaylenews@gmail.com