afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:59 pm | Posted by

Waqtiga Rasmiga ee lagu ansixinayo Dastuurka oo la iclaamiyay

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa iclaamisay waqtiga rasmiga ah ee la ansixinayo Dastuurka qabyo qoraalka ah ee la filayo in loo sameeyo dalka Soomaaliya.

Kaddib kullan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya, Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada, Odayaasha dhaqanka ee shirka ku leh Muqdisho iyo Guddiga Farsamada oo ay Xukuumadda oo magacowday ayaa waxa ay kaga arinsadeen xilliga rasmiga ah ee la qabanayo kullanka lagu ansixinayo Dastuurka Soomaaliya.

Kullan dheer oo dhinacyadaasi dhexmaray kaddib ayaa waxaa ugu dambeyn ay shaaciyeen in 23-ka bishan uu si rasmi ah u furmo doono kullanka lagu ansixinayo Dastuurka dalka Soomaaliya sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Dowladda KMG Soomaaliya.

C/raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Dastuurka ayaa waxa uu intaasi ku daray in kullanka oo maanta lagu ballan sanaa uu baaqday ay sabab u aheyd kaddib caqabado kasoo baxay dhinaca Odayaasha dhaqanka iyo Guddiga farsamada kuwaasi oo aan soo dhameystirin soo xulidda Ergada ansixinaysa Dastuurka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in waqtiga ay haystaan uu aad u kooban yahay 29-biri balse ay sameyn doonaan dadaallo dheeraad ah oo lagu soo gab gabeyn doono waqtiga yar howlaha horyaalla Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Kullankaani ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maanta loo ballan sanaa in uu dhaco shirka lagu ansixinayo Dastuurka dalka Soomaaliya, waxaana la qiyaasi karin Waqtiga hadda ay Xukuumadda ku dhawaqday in uu dhacayo shirkaasi in uu qabsoomayo iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM