Weriye Jaamac Maxamed Nuur Jeelle OO u geeriyooday Dhaawacii kasoo gaadhay Shilkii Gaadhi ee shalay
Alle ha u naxariistee waxa xalay ku geeriyooday isbitaalka garoowe jaamac maxamed nuur jeelle oo ahaa shakhsi caan ah oo saxaafada muddo kusoo jiray.
Marxuumkan geeriyooday ayaa lasocday gaadhigii shalay shilka la galay weriyihii shalay dhintay ee tifaftiraha taleex media ayna ku dhaawacantay fanaananada qaranka saado cali warsame.
jaamac maxamed nuur jeelle ayaa shalay waxa uu shilka ku galay degaanka birta dheer oo 45km magaalada garoowe,waxana shilkaasi sababay kadib markii gadhigii ay saar nayeen uu ku dhacay baabur weyn oo ah nooca looyaqaan waraadka oo wadada marayey.
jaamac maxamed nuur jeelle waxa uu shaqadiisa saxaafadeed kasoo bilaabay radiolaascaanood xilligii la furay oo ahaa 1999kii waxa uuna ahaa dhalintii lagu furay idaacadda waxa uuna u qaabilsanaa dhinaca farsamada waxa uuna ahaa shakhsi aysan idaacada ka maarmin maadaama uu ahaa farsamayaqaan sare.
Jaamac maxamed nuur jeelle waxa uu ifka kaga tegay 3-caruur ah iyo xaas waxa uuna muddooyinkii danbe ku noolaa magaalada garoowe.
Waxa uuna kamid ahaa weriyayaasha ka hawlgala madaxtooyadad puntland waana shakhsi aan la hilmaami doonin tiir culusna ka ahaa saxaafadda soomaalida.
Hadaba Maamulka Iyo Shaqaalaha shabakada Warbaahinta ee Allceerigaabo waxanu Ilahay uga Bar yaynaa Inuu Qaraabadii uu Ka Geeriyoodey Samir iyo iman Ka Siiyo Isagana Janadii fardowsa Ka Waraabiyo.
Aaamin Aamin Amin….