Askar kawada tirsan Dowlada oo ku dagaalamay muqdisho iyo khasaaro Dad Rayid ah soo gaaray
Inkastoo is rasaaseyn dhex martay ciidamo Boolis iyo Meliteriga ayaa waxa uu maanta ka dhacay Xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho.
Rasaasta labada ciidan is weydaarasadeen ayaa waxaku dhaawacmay hal qofood oo rayid ah iyadoo arintaasi shil gaari ka dhalatay ay ku geeriyoodeen labo qofood oo haween ah.
Shilka gaari ayaa waxa goob joogayaal ay sheegeen in ay ka dmabeysay markii ay dagaalka gacan ka hadalka Askarta Dawlada kawada tirsan uu ku naxay deetanauu xakameyn waayey Baabuurka wadihii gaarigaasi kaxeynayey.
Ma ahan mid ku cusub in muqdisho ay ku dagaalamaan ciidamo kawada tirsan Dkmg somaliya iyadoo dhowr jeer ay waxyeelo ka dhalatay iskahorimaadyo muqdisho ka dhacay oo soo gaaray dad rayid ah.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com