afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:27 am | Posted by

Ciidamada Huwanta ah Oo ku dhow magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere

Dhaq dhaqaqyo meleteri oo xoog leh ayaa 3-dii maalmood ee ugu dambeysay laga dareemayay gobollada  Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii ay ciidamada qalabka sida soo buuxiyeen duleedka degmada Baardhere ee gobolka Gedo.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Jamaal Xasan Sareey ayaa warbaahinta qaranka  u sheegay in degmada Baardheere ay kaabiga ku hayan islamarkaana Todobaadyada soo socda gacanta ku dhigayaan isagoo tilmamay in ciidamo kale oo ka howlgelayaan  dhinaca Qooqani ay ku dhawyihiin magaalo madaxda Jubbada hoose ee Kismaayo halkaas oo ay u jiraan dhowr Kilomitir.

Dhanka kale taliyaha ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in ciidamadu ay dhawaan  la wareegidoonaan degmada Baardheere kadib markii maalin kahor ay ciidamadu gacanta ku dhigeen fariisimo ay malleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen duleedka degmadaasi.

Howgalkan ay ciidamada XDS ka wadaan deegaanno  ka tirsan gobollada Gedo, Jubbooyinka, Baay iyo Bakool ayaa u muuqda mid u socda si ka duwan sidii hore iyadoo ay ciidamadu muujinayan dardar culus oo wadata farsamooyin ciidan oo casri ah.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM