Gaari jiidhay Baale Layd Oo Maanta Lagu Ganaaxay Lacag Dgan 1000 Dolar Moqdisho
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee DKMG somalia Maxamed Yuusuf Cusmaan oo Saxaafada Lahadlayey ayaa sheegay inay ganaaxeen gaari xamuul siday lacag dhan 1000$ (Kun Dollar) inuu ku bixiyo bil gudaheeda.
Maxamed Yuusuf ayaa Ganaax ciqaabeedkaasi waxa uu sheegay inay ka dambeysay markii gaarigaasi uu ku dhacay baalleyaasha dhawaan laga hirgeliyey Wadada maka Al Mukarama.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegeen in hore amaro uga soo saareen baallayaasha wax iftiimiya ee maka al mukarama ka shaqeysiiyeen islamarkaana maanta uu gaarigaasi ku dhacay Baallaha numberkiisu yahay 27aad.
“Aqoon isweydaarsiyo ayaan hore uga qabanay in ganaax muteysan doonaan gaadiidkii waxyeeleeya baallayaashaasi iyadoo arintaasi aan ka duuleyno ayaan gaariga maanta bur buriyey baallahaasi ku ganaaxnay lacag dhan kun dollar ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir”.
Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa waxa sheegay in mar kale uga digayaan gaadiidleyda muqdisho inay waxyeelleeyaan Baallayaasha Cad Ceeda Iftiinka ku shaqeeya ee habeenkii ileyska siiya wadada Maka al mukarama ee magaalada muqdisho.
Baabuurkii dhaawac ugeysta hadaba Ogaada sidaan oo kale ayuu mudan doonaa 1000$ Dollar sidaa waxa sheegay Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf”.
Ilaa iyo 50 baalle ayaa waxa bil ka hor laga hirgeliyey wadada maka al mukarama ee magaalada muqdisho taasi oo dawlada Norway ugu deeqday Dalka Somaliya inay dib u iftiimiso waxaana maamulka gobolka Banaadir ee Dkmg uu dhowr jeer ku cel celiyey inuu muqdisho dhan ku xiri doono baallayaashaasi oo kale walaw weli maka Al mukarama ay wada iftiimin la’yihiin.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com