Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan”Inta dalka Cadowga Haysto Lagama Yaabo inan Iscasilo”
ayadooo dhawaan aysoo baxayeen warar sheegay inuu iscasilayo Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan ayaa waxa uu sikulul uga jawabey hadalada waxana uu sheegay inuusan diyaar u ahayn xiligani inuu iscasilo.
Jen. Dhega-badan ayaa cadeeyay in aanu xilligan diyaar u aheyn inuu is casilo, isagoo tilmaamay in isaga iyo Madaxweynaha uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo.
“Diyaar uma ihi inaan xilligan is casilo, inta taako ka mid ah uu cadawga dalka ka joogo, aniga iyo Madaxweynaha xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya”ayuu yiri Jen. Dhega-badan oo wareysi siiyay Idaacada afka dowladda ku hadasha.
Jen. Dhega-badan ayaa ka qeyb qaata dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab, isagoo dhowr jeer oo hore hogaaminayay howl galadii ciidamada dowladda ku qabsadeen deegaano dhowr ah.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Jenanka uu si aad uga carooday mushaar la’aan soo wajahday ciidamada muddo labo bilood, isla markaana Wasaarada Maaliyada uu ka dalbaday inay si dhaqse ah u bixiso lacagaha, hase ahaatee dib u dhac badan ay ku timid.