Madaxwenaha haatan ee maamulka Khaatumo State ayaa si rasmi ah galabta xilkii ula wareegey Magaaladda Taleex
Madaxwene xiliyeedka maamulka Khaatumo State of Somalila ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyey Maxamed Yuusuf Jaamac “Indhasheel” oo ahaa ku xigeenkii koowaad ee madaxweynaha haatan xilka wareejiyey Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”
Xilwareejintan oo ka dhacday goobta loogu magac bixiyey Berder Khaatumo oo ku yaala koonfurta magaaladda Taariikhiga ah ee Taleex ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka KhaatumoCuqaal Aqoonyahano iyo dadweyne kala duwan oo dhamaantood sugayey isbedelka u horeeyey ee soo wajahay maamulkooda.
Warbixino kala duwan oo ay musuuliyiinta wasaaraddaha Lixda ah ee maamulkaasi ka kooban yahay oo ay ugu talagaleen xil wareejinta ayaa kadib waxaa halkaasi hadal ka soo jeediyey madaxweynaha taladda wareejinayey oo laga bilaabo maanta noqon doona madaxwene ku xigeenka sadexaad, kaas oo ka war bixiyey waxqabadkii mudadii lixda bilood ahayd ee uu taladda hayey.
Axmed Cilmi Cismaan waxa uu balan qaaday inuu ula shaqayn doono madaxweynaha haatan taladda haya sidii wanaagsanayd ee ula soo sheqeeyey, waxaanu ka codsaday dhamaan laamaha kala duwan iyo dadwenuhuba inay la sheqeeyaan.
Gabagabdii xafladaasi ayaa waxaa sawaxan iyo qaylo loogu soo dhoweeyey madaxwenaha haatan talada Khaatumo loo egmaday Maxamed Yuusuf Jaamac “Indhasheel” oo halkaas hadal kooban ka soo jeediyey isagoo ka codsaday inay gacan siiyaan waqtiga uu taladda hayo, lana sii laban laabo dadaalka loogu jiro sidii dawlad Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta loo heli lahaa