afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:32 pm | Posted by

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo deeq Afurin ah gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe Ee Moqdisho (Sawirro)

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa maanta gaarsiisay Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar deeq raashin ah oo loogu tala galay inay ku afuraan, iyadoo deeqdan ay aheyd tii u horeysay.

Munaasabada deeq wareejinta oo ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamat ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Garsoorka Diinta, iyo Awqaafta Ugaas Axmed Bile, Taliyaha Ciidamada Asluubto Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil iyo Saraakiisha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

Deeqdan Afurinta ah ayaa waxay ka koobneyd 140-kiish oo bariis, 20- kartoon Saliid, 30-kartoon oo Foster cabitaan ah, 55 xabo oo timir ah waxaana loogu tala galay in bisha barakeysan ee Ramadaan lagu afuriyo maxaabiista faraha badan ee ku jira xabsiga dhexe

Wasiirka Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile) ayaa sheegay in deeqday ay muhiim tahay, isagoo ka mahadceliyay xilliga ay ku soo aadisay shirkada deeqda afuriska iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan

Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa isna dhankiisa ka mahad celiyay, isagoo tibaaxay in maxaabiista ay ku farxi doonaan deeqdan, isla markaana ay ku afurayaan.

Dhinaca kale Cali Fadhaa oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in deeqdan qeyb ka tahay gar gaarka ay shirkada gaarsiiso shacabka Soomaaliyed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee shirkadda Hormuud deeq ay gaarsiiso shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka iyadoo shirkadda looga bartay mar walba garab istaaga bulshada xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com


 


 


 


Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM