War degdeg ah. Xilwareejintii masuuliyiinta Khaatumo State of Somalia ayaa haatan bilaabantay
Waxaa Maanta Duhurnimadii Magaalada Taleex Ka bilowday Xaflad Si Heersare ah losoo agaasimay,Xafladaas oo ahayd Mid ay Xilka kula kala wareeganayaan Madaxwayen Axmed Karaash Iyo Maxamed Yuusuf Indha sheel Ayaa Hatan Kasocota Magalada Taleex.
Madaxwenaha wadacaya xilka madaxtinimada ee maamulka Khaatumo ayaa haatan wada hadalkii ugu danbeeyey ee jeedinlahaa isagoo madaxwene ah.
Amxed karaash ayaa waxa uu warbixin ka jeediyey hawlihii ay soo qabteen mudadii lixda bilood ahayd oo uu ku tilmaamay inay ka soo talaabsadeen caqabado badan.
Waxaa iyaguna warbino ka soo jeediyey masuuliyiinta lixda wasaaradood ee ay ka kooban tahay maamul goboleedka khaatumo iyagoo soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin intaba’ madashan waxaa ku sugan marti sharaf aad utiirobadan oo kakalyimi Deegaano farabadan
Wixii ka soo kordha isha kuhay afbakayle Online

waa horumar iyo kudayasho fiican umada reer khatumo ramadaan kariin baan leeyahay waa in lala shaqeeya xukuumada cusub lana garab istaaga si aynu uga baxno cidhiidhiga nabaday
waa talaabo horay loo qaaday runtii waxayna muujinasa arintani bisayl siyaasadeed iyo horumar ay gaadheen madaxda reer khaatumo waana inaynu lashaqayna maxa waynaha cusub ee xilka lawareegey isgana ilaahay haw fududeeyo hawsha loo igmaday iyo xilka culus ee lasaaray