afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:25 pm | Posted by

Daawo +Sawirada:Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo dhaawiciisa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya (Sawirro)

Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo loo yaqaano (Quarel) oo u shaqeynayay Telefishinka Universal ayaa maanta loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii 7-dii bishan ay Dabley hubeysan ku dhaawaceen degmada Wadajir.

Ururka Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa gacan ka geystay in Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad in dibada lagu soo daweeyo, iyadoo Lugta midig ay tahay halka dhaawaca ugu culus ka qabo, maadaama ay jaban tahay.

Dhaawiciisa oo barqanimadii maanta laga soo qaaday Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ku sagootiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir, Wariyeyaal iyo Xildhibaano.

Xildhibaan Yaasiin Bucul oo ka mid ah Gudiga Warfaafinta ee Baarlamaanka ayaa sheegay inay u rajeynayaan in Wariyaha xaaladiisa ay bogsooto, Allena u caafiyo, isagoo dowladda KMG ku tilmaamay inay ku guuldareysatay inay gacanta ku soo dhigto kooxaha ugaarsanaya Wariyeyaasha.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa nasiib daro ku tilmaamay in kooxaha dhibaateynaya suxufiyiinta, iyagoo ku baaqay in la xaq dhowro saxafiga.

Diyaarada African Airways ayaa Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle qaaday, isagoo ka mid ahaa Rakaab badan oo ay u duulisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Telefishinka uu ka howl galayay Wariyaha ee Universal TV ayaan wax gacan ka geysan daaweynta loogu qaaday dalka dibadiisa.

Ururka Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyed ee SYL ayaa balan qaaday daryeelka caafimaad ee Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, iyadoo suura gelisay in dalka dibadiisa lagu soo daweeyo, markii wax looga qaban waayay xaaladiisa gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com


 


 

 


 

 

 

 

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM