Maamulka Bakool oo sheegay in Al Shabaab ay Xireen waddooyin badan.
Maamulka gobolka Bakool ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Al Shabaab ay xireeni waddooyin badan oo gala Magaalada Xudur ee gobolkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Xudur ee gobolka Bakool ee Dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Macailn oo waraysi siiyay Idaacaddaha muqdisho ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan waddooyinka gala degmadaasi ay xireen Al Shabaab.
Max’ed Macalin ayaa waxa uu sheegay in waddooyin ay xireen Al Shabaab ay ka mid tahay Waddooyinkisku xira Baydhabo iyo Xudur, Rabdhuure iyo kuwa kale,
Isagoo shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay wadada u galaan Gawaarida Rakaabka ee kusii jeeda gobolka Bakool, islamarkaana ay gubaan kuwa kale ee Raashinka gar-gaar wada sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in arrinkaasi ay tallaabo ka qaadayaan islamarkaana marna ay gacmaha ka laaban doonin, waxaana uu sheegay inay ku guda jiraan sidii Al Shabaab ay kaga sifeyn lahaayeen gobolkaasi.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan eedeyntaani loo jeediyay oo ku aaddan xiritaanka waddooyinka gal magaalada Bakool, inkastoo Saraakiisha dowlada iyo alshabaab aanay toos ogahadlin