afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:16 am | Posted by

Odayaal isaga Baxay shirka Odayaasha Dhaqanka Ee mudooyinkan ka socday muqdisho

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in shirka odayaasha dhaqanka muddo lixdan cisho isagoo tibaaxay in odayaasha aysan laheyn awood ay wax ku saxaan.

“Adeer shirka waxaa uga baxay waxaa la fadhiyay muddo badan, dastuurka la wado waxyaabo badan oo ka qaldan ayaa jiran, awoon aan ku saxno ma laheyn, waxaa nala yiri idinka wax ma sixin kartiin, markii dambe waxaa u saarnay gudi 15-ka kooban, gudigaas waxay soo diyaariyeen in dhowr qaladaad oo masiirka umada aan lagu aamini karin, markii aan dhahnay dastuurka hala saxo waa nagala diiday”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan xaad.

“Waa igula muuqan weyday inaan ka sii mid ahaadoi, odayaasha meesha sawir kaliya laga rabaa, wax awood iyo talo ay ku leeyihiin ma jirto, waxaan umada Soomaaliyed gudaha iyo dibad au cadeynayaa inaan ka baxay, wixii hada ka yimaadana aan ku lug laheyn”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirka ay sidoo kale ka baxeen Odayaal kale oo kala mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ee isaga gudoomiyaha u ahaa, waxaana uu tilmaamay inuu ka raali gelinayo wixii horay u dhacay ee qaladaad intuu uu ka qeyb qaadanayay shirka.

Inkastoo saacadihii u dambeeyay ay jireen khilaaf u dhaxeeyay Odayaasha, iyo Gudiga xalinta khilaafaadka oo waday qorshayaal uu ku kala saarayay Odayaasha dhaqanka kuwooda saxda ah, markii ay soo baxeen Odayaasha dhaqanka oo aan aheyn kuwii la yaqiinay, iyadoo ay jireen odayaal laga saaray shirka markii ay cadaatay in aysan aheyn duubabkii iyo dhaqankii saxda ahaa.

Shirka Ansixinta Dastuurka ee lagu waday inuu maanta furmo ayaa dib u dhacay, waxaana la filayaa in labo maalmood oo soo socda uu furmo, inkastoo wali ay jiraan dib u dhacyo la xiriira habka ay u socoto howsha sikasataba xaalku hanoqdee xaalada ayaa hada waxa ayatahay midcakiran oo lafilayo in dibudhackale uu kuyimaado shirka ansaxinta dastuurka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM