afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:39 am | Posted by

AMISOM oo sheegtay inay diyaarisay Ciidamo suga ammaanka xarunta shirka ansixinta Dastuurka

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay sugayaan ammaanka halka uu dhacayo shirka Ansixinta Dastuurka, iyadoo lagu wado in shirka uu fumo maalinta berri ah.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay diyaariyeen Ciidamo ka qeyb qaata sugida ammaanka xarunta shirka uu ka dhacayo ee School Polizio, kaasoo ay ku xaroon doonaan ilaa 825 ergo.

Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sidoo kale sheegay in sugida ammaanka xarunta shirka uu ka dhacayo ay qeyb ka tahay howl galka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya u joogaan.

“Ciidamo ka qeyb qaata sugida ammaanka goobta shirka ka dhacayo ayaa diyaarinay, howsheena waxay tahay inaan sugno ammaanka guud ee Xarunta iyo nawaaxigeeda”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xaamud Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenkan ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen ciidamo aan muuqan oo si gaar ah ula socda dhaq dhaqaaqyada goobta shirka ka socdo, si xaalada ammaanka ay u sii adkeeyaan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada loogu tala galay inay sugaan ammaanka ay baaritaan klu sameynayaan cid walba oo shirka galeysa ama ka soo baxeysan, isagoo xusay in howshooda tahay xaqiijinta ammaanka.

Saaka ayaa lagu arkayay xarunta School Polizio Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugan xarunta, iyadoo wadooyinka ku ooday dhagxaanta waa weyn ee ay uga gaashaantaan qaraxyada iyo dhufeyso.

Gudiga Amniga qaranka ayaa dhowaan sheegay in la xirayo qaar ka mid ah wadooyinka Caasimada, si loo sugo ammaanka xarunta shirka uu ka dhacayo, iyagoo tilmaamay in Ciidamo gaar ah ugu tala galeen howl galka lagu sugayo ammaanka shirka ansixinta Dastuurka.

Maalinta berri oo taariikhda tahay 25-ka July ayaa la filayaa inuu furmo shirka ansixinta dastuurka, iyadoo saddex jeer oo hore uu dib ugu dhacay arrimo farsamo.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM