Daawo+Vdeo:Munaasabada xil wareejinta Khaatumo oo ka dhacday Caasimada Taleex
Munaasibad aad u balaadhan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulka khaatumo ee Caasimada Taleex ayaa waxaa si rasmi ah xilka madaxweynenimada loogu wareejiyey madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha Sheel) oo hore u ahaa madaxweynihii sugihii koowaad ee maamulka khaatumo.
Munaasibadan xilka loogu kala wareejinayey Labadani Mas’uul oo kala ah Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash)ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Khaatumo, Agaasimayaal, Waxgarad, Siyaasiyiin, Culumu Awdiin, Aqoon yahano, Ururada Bulshada, Dhalinyaro, Haween, Iyo Waliba Marti sharaf aad u tira badan.
Munaasibadani ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii maamulka khaatumo intii uu jiray iyo waliba waxyaabihii u qabsoomay. Sidoo kale munaasibadani ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey Mas’uuliyiintii iyo Madaxdii kasoo qayb gashay iyagoona ku nuux nuux saday muhiimada ay leedahay wada jirka, iyo wax qabadkuba isla mar ahaan taana kula dar daarmay inay Bulsha weynta reer Khaatumo in ay taageeraan maamulkooda.
Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha Sheel) oo haatan ah madaxweynaha meeradan ee maamulka khaatumo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si diiran usoo dhoweeyey xilkani lagu wareejiyey isagoona xusay in uu wax qabad wacan la imaan doono inta uu hayo xilka madaxweyne nimada maamulka khaatumo.
Sidoo kale madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa isna si weyn usoo dhoweeyey xil wareejintani isagoona sheegay in hawlo badan ay u yaalan Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha Sheel) isla mar ahaan taana ay jiraan wax yaabo guul laga gaadhay intii uu hayey xilka meertada madaxweyne nimo ee maamulka khaatumo.
Hadaba munaasibadani xilka loogu kala weejinayey Labadani madaxweyne ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyadoona si weyn looga dhursugayo in Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha Sheel) uu la yimaado barnaamijyo horumarineed.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Taleex/Sool
Afbakaylenews@gmail.com
Halkan Hoose Kadaawo Video-ga