Howlgal culus oo ka socda Isgooska KM4 iyo gaari laga shakiyay oo Xarunta Nabadsugidda loo waday
Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alpha Group ayaa waxa ay howlgalo baaritaano ah ka wadaan isgooska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale dadka shacabka ah ayaa waxaa baaraya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Al-Pha Group ee astaantooda ay tahay wajiga inay u xiran yihiin.
Saraakiil ka tirsan Hay,ada Nabadsugidda oo goobta ku sugan ayaa la arkayay kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya howlaha baaritaanada sidoo kalena kala hagaya ciidanka.
Intii uu socda howlgalka baaritaanka ayaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxa ay qabteen gaari yar oo loo yaqaan nooca kaaribta kaasi oo ay si aad ah uga shakiyeen ciidanka.
Ciidamada gaarka ah ee dowladda KMG Soomaaliya u qaabilsan dhanka miino baarista ayaa isgooska KM4 ku baaray gaariga iyaga oo muddo dhan saacad ah xiray wadadda oo dadka iyo gaadiidka laga mamnuucay inay maraan.
Inkastoo mardambe wadada dib loo furay ayaa hadana gaarigi ciidamada dowladda ay ka shakiyeen iyo wadihii gaariga waxaa loo ka xeeyay xarunta Nabadsugida Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Booliiska ayaa hada howlgalka waxa ay ka wadaan isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu baarayo gaadiidka iyo dadka.
Howlgalkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay howlgalo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku xaqiijinayaan ammaanka Muqdisho maadaama maalinta beri ah lagu wado in Muqdisho uu ka furmo shirka ansixinta Dastuurka.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/somaliya
Afbakaylenews@gmail.com