Khilaafkii ugu xooganaa oo soo dhexgalay madaxda Puntland iyo odayaal dhaqameedka(Maxaa la isku heestaa)
Khilaaf xoogan ayaa soo dhex galay madaxda maamul goboleedka Puntland iyo odayaal dhaqameedka deegaanadaasi kaasoo ku saabsan soo xulida ergada ansixinta dastuurka.
Khilaafkan ayaa yimid kadib markii maamulka Puntland uu bilaabay inuu soo xulo ergada ansixineysa dastuurka isaga oo aan la tashan odayaal dhaqameedka Puntland oo kuwooda ugu muhiimsan ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Odayaal dhaqameedka Puntland ayaa maamulka Faroole uga digay inuu faraha kala baxo soo xulida ergada iyadoo odayaashuna liis midka faroole ka duwan ay u gudbiyeen dowladda federaalka.
Maamulka Garoowe ayaa mudooyinkan waday qorshe uu ku soo xulanayo ergo jeebkiisa ah iyadoo uu keensaday xubno ka tirsan qurba joogta oo ay ku jirto Saado Cali oo dhowaan ku dhaawacantay shil baabuur oo Garoowe ka dhacay.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay haatan ku howlan tahay xalinta qilaafkan iyo in lagu qanciyo Faroole inuu odayaasha u daayo howlahooda, waxaana lagu wadaa in maanta wafdi ka socda dowladda federaalku uu gaaro degmadda Garoowe ee gobalka Nugaal.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Soomaaliya
Afbakaylenews@gmail.com