afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:18 pm | Posted by

Maleeshiyada Mahad Canbaashe Oo Weeraray Saldhiga Dhexe Ee Booliska Laascaanood

Dagaal lay isku weydaraday raasaas tiro badan ayaa maanta ka dhacay Saldhiga Dhexe ee Booliska Laascaanood,Dagaalkan ayaa la sheegay inay soo qaadeen maleeshiyo ka amar qaadata Mahad Canbaashe oo soo weeraray Saldhiga Booliska Magaalada.

Ciidamada Booliska ayaa iyana dhankooda galay difaac, kasoo sababay in rasaas socotay muddo 30 daqiiqo ah labada dhinac isku wedaarsadaan. dagaalkan ayaa kala xidhay isu socodkii dhanka galbeed ee magaalada Laascaanood

Iska horimadkan dhexmaray labadan kooxood ee ka wada tirsan maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii Boolisku ay xabsiga dhigeen nin ka ka tirsan maleeshiyada ka amar qadata Mahad Canbaashe. kuwaasoo maanta dhinacooda weerar kusoo qaaday saldhigaas uu ku xidhnaa ninkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in Maleshiyadaasi xoog ku gashay Saldhigga booliska oo lasoo baxeen ninkii laga haystay. lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkan maanta dhexmaray maleeshiyaadka.

Ciidanka Booliska jooga Laascaanood ayaa la sheegay in u badanyihiin kuwo laga keenay dhinaca gobollada Waqooyi galbeed, waxaana la sheegay inay taageero ka codsadeen Maleeshiyada ay isku haybta yihiin ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.

Shacabka magaalada ayaa welwel badan ka qaba in arrintani ay dhalin karto isku dhac iyo dagaal ka dhex dhaca maleeshiyaadka Somaliland dhexdooda, tasoo khasaare naf iyo maalba leh ku keeni karta shacabka ku nool magaalada Laascaanood.

 Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Laascaanood/sool

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM