afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:38 pm | Posted by

Qarax Miino oo Ciidamo ka tirsan dowladda lagula eegtay degmada Balcad

Qarax miino ayaa goor dhow oo duhurnimadii maanta ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda lagyla eegtay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo qaraxa uu sababay qasaarooyin kala duwan.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa oo ahaa miino laga hagayay meelaha fog fog ayaa Ciidamada lala eegtay iyagoo ku lugeynayay agagaaraha Suuqa degmada Balcad.

Qof Goob jooge ah ayaa sheegay in mar kaliya ka war heleen dhawaq xoog leh oo qaraxa ahaa, kadibna ay arkeen askar ka tirsan dowladda oo gaarayay ilaa saddex oo la qaadayay, waxaana labo ka mid ah dhaawacyadooda la sheegay inay aad u liiteen.

Dadka deegaanka ayaa ku kala cararay halka qaraxa ka dhacay, waxaana xaalada noqotay mid cakiran, iyadoo goobta markii dambe ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Ciidamada ayaa dhowr ruux ka qab qabtay hareeraha halka qaraxa ka dhacay, waxaana lagu xiray Saldhiga degmada Balcad.

Suuqa degmada Balcad ayaa albaabada loo laabay, iyadoo dadka ay soo wajahday xaalad cabsi iyo qal qal.
Waa qarixii labaad oo todobaadkan gudihiis ka dhaca degmada Balcad, iyadoo labo maalmood ka hor qarax uu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga, kaasoo aan la sheegin inuu wax qasaare ah uu geystay.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/soomaalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM