Shirkii Ansixinta Dastuurka Oo Furmay
Wararka kasoo baxaya goobta uu kasocdo shirkii lagu ansixinayey dastuurka cusub ee dalka soomaaliya ayaa sheegaya in in goor dhow Magaalada Muqdisho uu ka furmay shir-weynaha ay yeelanayaan Ergada ansixineysa Dastuurka Soomaaliya kaasi oo mudo badan qaban qabadiisu ay socotay.
Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo arimaha fadaraalka ee Xukuumada KMG ee Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyed kala hadlay Raadiyaha ku hadla afka Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in shirweynaha Dastuurka uu si toos ah u furmay.
Wasiir C/raxmaan Xoosh ayaa tilmaamay in haatan shirku ugu furmay Aayadaha Qur,aan kariimka kadibna uu sheegay iney bilaabeen yeerinta liisaska soo xaadirtay madasha shirka uu ka furmay maadama Ergada badankooda uu sheegay iney yimaadeen halka qaar kalena maanta caasimada ay soo gaarayaan.
Wax yer kadib ayaa lagu wadaa in Iskuul Bolisiya oo ah meesha shirka uu ka furmay ay gaaraan oo ay ka hadlaan furitaanka maanta Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan iyo Reysul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas.
Shirkan goor dhow ka furmay caasimada ayaa waxaa uu soo maray mar xalado kala duwan mar madaxda Dowlada KMG ee Soomaaliya khilaaf ka dhax dheliyay marna Odoyaasha dhaqanka iyo Madaxda sar sare ee Dowlada KMG ee Soomaaaliya,Geb geb badan ka sokow maanta ayuu furmay wallow aan la ogeyn natiijadiisa waxaa ay noqon karto.
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Afbakayle Online