Banaanbax aad u Weyn oo Goordhaw ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)
Waxaa Goordhaw Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax weyn oo lagu taageerayo Shirka ansixinta Dastuurka ee maalintii shalay si rasmi ah uga furmay Iskool Buliisiyo.,
Banaabaxa ay dhigayeen Qaar kamid ah ah Shacabka Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood kuwaa oo kusugnaa Isgooska Sayidk kana dhigay dibad bax ay ku taageerayeen in Muhiim tahay sidii looga gudbi lahaa KMG.
Banaanbaxayaasha aya asidoo kale socod ku maray wadooyin kamid ah Magaalada Muqdisho si ay u muujiyana adreenkooda ku aadan in loo baahan yahay in lasoo dhiso Dowlad rasmi ah oo wax badan ka badalan kuwii hore loona soo xulaa dad hanan kara.
Dadkan ayaa watay boorar waa weyn ee ku qoran yihiin Baarlamaan Xalaal ah ayaan dooneynaa ,20 Agoust kadib waxaan rabna a in aan Yeelano Dowlada Rasmi ah ,iyo waxaan dooneynaa Doorasho u dhacda si xalaal ah iyo hal kudhigyo kale ee ku taageerayaan Shirka.
Ciidamo katirsan Dowlada KMG ayaa sugayay amaanka goobta uu Banaabaxu ka soconayay iyadoona goordhaw uu Banaanbaxaasi soo idlaaday mana jirin wax masuuliyiin Dowladeed ah oo ka hadlay Dibad baxaasi.
Banaabaxan ayaana la sheegay in uu ahaa Mid dadka Shacabka ah ee iskood usoo agaasimeen kuna muujinayeen Dareenkooda ku aadan in Wadanka Isbadal wanaagsan uu galo kadib xiliga kala Guurka,isagoona si nabad galyo ah uu kusoo dhamaaday Dibad baxaasi..
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Muqdisho Somalia
Afbakaylnews@gmail.com










