Caruurta uu ka dhintay Michael Jackson oo laga wareejinayo ayeeydood
Maxkamada ku taala magaalada Los Angeles ayaa si kumeel gaar ah ugu magacawday qofd cusub oo xanaaneeya sadex caruur ah oo uu ifka uga tagay fanaaniinki caanka ahaa ee dalka Mareykanka Michael Jackson.
Qofka cusub ee loo rabo in lagu wareejiyo ayaanan wali la magacaabin waxaase looga cabsanayaa caruurta fanaanki geeriyooday oo ah sadex uu isagu dhalay iyo wiil yar oo ay ilmo adeer yihiin oo la yiraahdoi Tito Jackson Jr in ay dayacmaan.
Ayeeyda caruurta Katherine Jackson oo tan iyo sanadki 2009 marki uu aabahood dhintay heysay ayaa la sheegay in la waayey mudo sagaal maalin ah.
Si kastaba ha ahaatee, garsoore Mitchell Beckloff ayaa gaaray go,aanka kadib marki ay soo baxeen walaac laga qaba maqnaasha Ms Jackson ay ka maqantahay guriga caruurta.
Waxaa kale oo soo baxay warar sheegaya in dagaal iyo isqab qabsi uu ka jiray baryahaan guriga reer Jackson kaasi oo la xiriiryey caruurta iyo arimo kale oo xaga qoyska ah.
Booliska ayaa loogu yeeray Isniinti kadib marki ay rabshad yar ka dhacay guriga kaasi oo dhexmaray laba xubnood oo ka tirsan qoyska reer Jackson, xiligaasina waxaa xaadir ku ahaa hoyga sadex la dhalatay Michael Jackson iyo caruurtiisa oo kala ah Paris, oo ah 14, Prince Michael, 15, iyo Prince Michael II oo ah 10 jir.
Michael Jackson ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 50 sano jir kadib marki uu qaatay dawo xadkeeda ka badan bishi June ee sanadki 2009.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com
Aniga gaar ahaanteyda marka aan iska hadlo fanaanka caanka ah ee u dhashay mareykanka waan ka danbeeyay in badan waan dhageystay heesihiisa waana fiirsaday mr m.jakson fanaan gaaraya ma jiro hada ka bacdina in uu soo bixi doono ilama ahan.by by by.