afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:26 pm | Posted by

Ciidamada AMISOM oo u jiheysan dhanka Kismaayo(Warbxin)

Ciidamada Midowga Afrika ee Gacanta ka helaya kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay u jiheysteen dhanka Magaalo Xeebeeda Caalamiga ah ee Kismaayo.

Kismaayo oo ay qaban la’yihiin ciidamo aad u badan oo isugu jira Kenya iyo DKMG Soomaaliya Ururka Raaskambooni ayaa hada waxaa gacanta ku dhigi rabo Ciidamada AMISOM oo dagaalka balaaran ka bilaabay Gudaha Muqdisjho iyagoo hada u gubbay dhanka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa hada waxa ay ku jiraan Diyaar Garow midki ugu dambeeyay kaasoo ay ku wajahayaan Magaalada Kismaayo oo la sheego inta aan la qaban ka hor in uu ka dhacayo Dagaal ay ku dhintaan ciidamo aan qiyaas lahayn.

Wara hoose oo ka soo baxaya Ciidamada AMISOM ayaa sheegaya in hada ay sugayaan Diyaaradaha Dagaalka kuwaasoo ka imaanaya Dalka Ruushka , waxaana diyaar u ah Ciidamada ka socda Dalka Uganda ee hada calanka u haya dagaalada lagula jiro Alshabaab.

Madaxda DKMG Soomaaliya oo hada wax yar uga harsan yahay xilkooda ayaa shaaca ka qaaday kuna cel celiya in 20 Agoosto ka hor ay Kismaayo kala wareegi doonaa Alshabaab, waxaana hada socda dhaq dhaqaaq aad xoogan kaasoo ay sameynayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo waa magaalo xeebeed hada Muhiim u ah Ururka Alshabaab, waxaana ay tahay magaalo istiraatiiji ah kuna wanaagsan dhaqaalaha , iyadoo Mudo dheer ay heysteen koooxaha islaamiyiinta soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM