Dad Dhac ku geysanayay Dareeska ciidamada Dowlada oo lagu qabtay Degmada Kaaraan
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/laahi Axmed Cali oo maanta saxaafada kula hadlay bartamaha suuqa Degmada Kaaraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidamada ammaanka Degmada ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi.
C/laahi Axmed Cali Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa wuxuu sheegay in howlgalka ay sameeyeen ay kusoo qab qabteen ilaa 12-ruux oo wata dareeska ciidamada dowladda islamarkaana dadka falal dhac ah u geysanayay.
Wuxuu sheegay in dadkaasi lasoo qabtay ee ku lebisan dareeska ciidamada dowladda in loo gudbinayo laamaha ammaanka si maxkamad loosoo taago islamarkaana la waafajiyo sharciga wuxuu ka qabo dadkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa dhanka kale sheegay in maanta ay Degmada ka sameeyeen olole nadaafadeed,isaga oo sheegay inay burburiyeen goobo dhismooyin sharci daro ah oo ku yaalay bartamaha suuqa Degmada Kaaraan.
Dadka Degmada Kaaraan ayaa maalmihii dambe waxa ay ka cabanayeen falal lidi ku ah ammaanka oo ay sheegeen inay ugeysanayaan dad ku lebisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya
Xafiiska Shabakada afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com