Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka oo su’aalooyin weydiiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada
Iyadoo maalintii labaad uu galay shirka Ansixinta Dastuurka ayaa Ergooyinka ka qeyb galaya maanta ay su’aalo ku weydiiyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee gacanta ku haya howsha Road Map-ka.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa la weydiiyay su’aalooyin la xiriiray qodobada dastuurka, isagoo ka codsaday ergooyinka inay si saraaxad leh u egaan qodobada, si ay u meel mariyaan maalmaha soo socda.
Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in aan wali beesha Caalamka ka helin dhaqaalihii lagu fududeyn lahaa arrimaha shirka Ansixinta dastuurka.
Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa sheegay in aan wali wax dhaqaale ah helin, iyagoo dalbaday la siiyo dhaqaalihii loogu tala galay.
Waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Xubnaha Golaha Wasiirada ay odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka la yeelanayeen, waxaana lagala hadlayay sidii aysan waqti dheer u gelin laheyn asnixinta dastuurka, mudada sagaalka cishana lagu ansixin lahaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la haayo Liiska Xildhibaanada cusub, inkastoo ay socoto galaan gal badan oo loogu jiro xubinimada Baarlamaanka, waxaana odayaasha qabaa’ilka kulamo la yeelanayeen siyaasiyiinta iyo xubnaha daneynaya inay noqdaan Xildhibaanada.
Shirkan ayaa la filayaa in maalinta berri la sii ambaqaado, lagana doodo qodobada qaar, oo dood kulul ka imaan doonto.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com