Ergooyinkii Kasoo Jeeday Khaatumo Ee Faroole Qortay Oo Maanta Diyaaradii Laga Reebay
Waxaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, wafdi ka socda dawladda Soomaaliya iyo ergo,ka kooban 45 xubnood oo maamulka Puntland uga qaybgeliya ansixinta Dastuurka.
Ergada Puntland oo beryahan uu ka taagnaa khilaaf u dhexeeyey Faroole iyo dawladda federaalka, tasoo uu Faroole sheegay inuu isagu soo xulayo ergooyin Puntland uuna soo qortay tiro 102 ergo ah oo ay ku jiraan 24 kasoo jeeda deegaanada Khaatumo.
Codsigaasna waxaa diiday dawladda Soomaaliya oo Faroole u sheegtay inuusan masuul ka ahayn ergooyinka madaxdhaqameedkuna ay soo xulayaan. Isagoo lasoo hordhigay Saxiixyadii Road-mapka ee qeexayey in ergooyinka ay magacaabayaan Odayaasha dhaqanku. taasoo faroole wax ka saxiixay.
Magaalada Garoowe waxaa shalay soo gaadhay Wafdi ka socda Dalwladda Soomaaliya uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, oo Faroole si cad ugu sheegay inuu ergada dastuurka faraha kala baxo.
Waxaa saaka Garoonka diyaaradaha Garoowe iyagoo boorsooyinkii iyo bagaashkoodii wata lagaga dhaqaaqay ergooyin badan oo ay ku jiraan 24 xubnood oo kasoo jeeda deegaanada SSC, kuwaas oo Faroole soo lug gooyey kadib markii loo sheegay inay kamidyihiin ergada Ansixinta Dastuurka ee muqdisho loo qaadayo. waxaana lagu sasabay inay diyaaradu usoo noqon doonto.
Shirkii Ansixinta Dastiirka cusub ayaa si habsami ah maanta uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana u fadhiya maamulka Khaatumo 24 ergo oo ay soo xuleen madaxda dhaqanka Khaatumo ee jooga Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com
shaqo wacan, saado ma laga tagey
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkWAXAAN MAQLI JIRAY BAHDII DIIDE BAHALAA CIDLA KU CUNA WAA KANAA BAL ARKA WAXA KU DHACAY NIMANKAAN WAAYEELKA AH INDHOHOODOO SHAN AH DIYAARAD LAGA RAACAY INTEEY KU NOQONAYAAN YAASE AAMINAAYA MAR DANBE WAXAA LA DHAHAY NIN AAN KUU FUREYN YAANU KUU RARIN JACDA JACIIRTA YAA KA XOQAAYA.