Madaxweyne Shariif Oo Xariga Ka Jaray Xeradii Daraawiishta Ee Caga Dhiig {Sawirro}
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xariga ka jaray xaruntii Daraawiishta ee Cagadhiig waxaana mudaasabada xariga looga jarayay goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Munaasabadan xariga looga jarayey xeradii daraawiishta ee Cagadhiig oo dib loo dayactiray muddo 22 sano ah ka dib ayaa waxaa munaasabadaasi xarig jarka aheyd goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Shiiqunaa Maye, Madaxweynaha dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Cali Axmed, kooxda baambeyda iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada boolika isagoona xariga ka jaray xaruntaasi dib loogu diyaariyay ciidamada daraawiishta waxa uuna mid mid u kormeeray dhismaha xaruntaasi.
Taliyaha ciidanka booliska S/gaas Shariif Shiiqunaa Maye oo hadal ka jeediyay munaasabada xariga looga jarayey xeradii daraawishta oo dhawaan dib u dayactir lagu sameeayay ayaa Madaxweynaha u sharxay qaabkii ay ugu suura gashay dhismaha xaruntani isagoo ciidamada booliska kula dardaarmay in ay waajibaadkooda si hufan u gutaan.
Sidoo kale waxa isna goobta ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdi Cali Axmed waxa uuna tilmaamay in ay wasaarada amniga Qaranka ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato wax walba oo amaanka quseeya.
Ugu dambeyntii waxaa madasha ka hadlay hoggaamiyaha dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan ciidamada booliska isagoona ku guubaabiyay in ay u adeegaan shacabka si ay uga hortagaan wax yaabaha amaanka lidka ku ah si ay u muujiyaan kartidooda waxa uuna Madaxweyne Shariif ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan ciidamada booliska 




