afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:19 pm | Posted by

Mid kamid ah Ciyaartoyda Ciyaaraha fudud ee ka qeybgalay Tartanka Olymbikada oo weydiistey magangelyo Siyaaasadeed

Mid ka mid ah ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee ka qeybgalaya tartanka olombikada ee lagu wado inberito si rasmi ah uu ugaga furmo dalka Ingiriiska ayaa gudaha u galay saldhig boolis oo ku yaal magaalada London isagoo codsaday magangelyo siyaasadeed.

Qofkan codsaday magangelyada ayaa la sheegay in uu yahay nin ka socda wadamada Bariga Afrika ee ka qeybgalaya tartankan waxana uu iska dhiibay saldhigga booliska ee Leeds,Yorks maalintii Talaadada.

Orodyahankan ayaa waxaa la sheegay in si sharci ah uu ku galay dalka Ingiriiska isagoo la socday ciyaartoy ka socotay wadan ku yaal bariga Afrika balse aan la carabaabin.

Waxaana la sheegay in codsigiisa loo gudbiyey hay’ada ku shaqada leh amuurahaas oo la yiraahdo Uk Borde Agency (UKBA). Saraakiisha socdaalka u qaabilsan Ingiriska ayaa hore uga digtey in laga yaabo boqolkiiba 2 dadka ciyaaraha fudud ka qeybgalaya,madaxdooda iyo taageerayaalba in laga yaabo in ay magangelyo weydiistaan dalka Ingiriiska inta lagu gudo jiro ciyaaraha iyo marka ay dhamaadaanba amaba ay isku dayaan in ay sii joogaan dalka Ingiriiska marka uu visahoodu uu ka dhaco.

Qaar kamid ah ciyaartoyda Olombikada ayaa tababar ku sameynaya xerada Yorkshire la yiraahdo iyadoo ciyaartoyda ugu badan ee tartankan ka qeybgalaysa ay ka socdaan dalka Shiinaha ay joogaan Leeds.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in looga baahan yahay in dadka ka qeybgalaya ciyaaraha fudud ay wadamadooda dib ug u laabtaanmarka uu tartanku dhamaado codsi walba oo magangelyo ku saabsana waxaa loo eegi doonaa sida uu sharcigu yahay.

Ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee ka qeybgalaysa tartankan ayaa waxaa kamid ah wiil iyo gabar Soomaliyeed oo tartanka u metelaya dalka Soomaliya iyadoo lagu wado in orodyahanka Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi uu calanka Soomaaliyeed u qaado marka socodka lagu marayo garoonka furitaanka ciyaarha olombikada ee maalinta Jimcaha si rasmi ah ugaga furmi doono magaalada London.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM