Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo Duhurnimadii Maanta dhax maray Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab
Waxaa Duhurnimadii Maanta Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya ay wehliyeen Ciidamo tiro yar oo katirsanaa Dowlada KMG iyo kuwa Al-Shabaab Dagaal ku dhax maray Deegaano u dhaxeeya Kulbiyow iyo Badhaadhe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya ee halkaasi kusafrayay iyagoona u dhigay Qaraxyo miino kadibna rasaas ku bilaabay.
Waxaana goobtaasi ka qarxay Dagaal Culus oo mudo socday iyadoona Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada isku gadaameen goobtaasi kadib markii Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday goobtaasi ka baxsadeen.
Saraakiil u hadashay Ciidamada Huwanta ah ayaa sheegay in Dagaalka ee la galeen Al-Shabaab ay qasaarooyin xoogan ku gaarsiiyeen iyagoo dhinaca kale aan faah faahin ka bixin qasaaraha dhankooda kasoo gaaray.
Al-Shabaab afhayeenadooda wali kama aysan Hadlin Dagaalkan kaniimka ama jidka galka ah ee Maanta ku qaadeen Ciidamada Dowlada Kenya iyo kuwa Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah ayaa inta badan Dagaalo gaadmo ah waxa uu ku dhaxmaraa Deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose ee labada dhinaca kawada taliyaan.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Soomaaliya
Afbakaylenews@gmail.com