afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
3:11 pm | Posted by

Xaalada Deegaanka Sool-joogto Oo Dagan Iyadoo Sacadihii Lasodhafay Laga Dareemayay Dhaqdhaaqyo Ciidan

Waxaa Dagan Xaalada Deegaanka sool-joogto Oo Katirsan Gobolka Cayn Kadib markii Saaka waaberigii laga dareemay Dhaqdhaaqyo Ciidan oo kajira Deegaankaad ay halkaasi kawadeen Ciidamada Maamulka khaatumo iyo Kuwa Somaliland Ee isku horfadhiya Jiidaha Gobolkacayn.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada mamaulka siilaanyo Ay damceen inay weerar gaadmo ah kusooqaadan Ciidamada Deegaanka Ee maamulka khaatumo kuwaasoo laga war helay weerarka gaadmada ah Ay maleegayeen Ciidamada Siilaanyo.

Mid kamid ah Ciidamada maamulka khaatum ayaa warbaahinta Afbakayle.com U sheegay inay kawar heleen weerar ay damacsanayeen inay sooqadaan Ciidamada maamulka somalilan Sidii Lagu yaqanay, Hase Aheetee uu werarkaasi kafashilmay.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Ciidamada Maamulka khaatumo ay ku jiraan heegan Markastaana ay u tagan yihiin sidii ay uga difaacilahaayeen ciidamada duulaanka kusoo ah dalka Khaatumo.

Xiligan aanta laga dareemayay dhaqdhaaqyada ciidan Deegaanka sool-joogto aya ku soobeegmaysa xili ay Habeen hore ciidamada maamulka khaatumo werar qadhaadh ay ku qadeen ciidaamada siilaayo Ee kusugan Halkaas kasoo Qasare Balaadhan kasoogadhay Ciidamada siilaanyo

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Buuhoodle/Cayn
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM