afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:55 am | Posted by

Tartanka Olombikada Aduunka Oo Maanta London Ka Furmaya Iyo Calanka Soomaaliya Siweyn Uga Dhex Muuqda”Video+Sawiro”

Gelinka dambe ee maanta oo Jimce ah taariikhduna ay ku beegantahay 27-Jully-2012 waxaa si rasmi ah uga furmaya magaalada London ee xarunta dalka Britain tartanka Olombikada Aduunka ayadoo dadka Soomaaliyeedna sanadkaan ay si gaar ah isha ugu hayaan, xiisana ugu leedahay.

Calammada dalalka aduunka ee ka qeybgalaya tartankan Olombikada ayaa si aad ah uga dhexmuuqda magaalada London ayadoo calammadaasina uu ka mid yahay Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna maadaama ay orodyahanno Soomaaliya metelaya tartankaasi ka qeybgalayaan.

Inkastoo labada orodyahan Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ay tartanka Soomaaliya uga qeybgalayaan hadana dad badan oo Soomaaliyeed ayaa guul u arka in Calankeenna quruxda badan uu ka dhex muuqda dalalka sida joogtada ah tartankaasi uga qeybgeli jiray inaguna saameynta colaadaha darteed aan fagaarayaasha waaweyn ee caalamka uga maqneyn.

Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo labaduba magaalada Muqdisho ka hor inta aysan ka ambabixin xafladdo sagootin ah loo sameeyey hadallo ay ka jeediyeen waxey ku rajo gelinayeen dadweynaha iyo madaxda Soomaaliyeedba iney guul usoo hoyn doonaan dalka iyo dadka ay Calankooda metelayaan.

Waxaa kale oo iyana xusid mudan in hadal heynta ugu badan ee farxad gelisay dadka Soomaaliyeed ay tahay in furitaanka tartankan ee galabta uu orodyahanka sumcadda iyo magaca dalkeenna usoo hooyey ee Cabdi Bille Cabdi uu qaadi doono Calanka Soomaaliya inta Calammada dalalka caalamka socodka lagu marsiinayo xafladda furitaanka.

Dadka ciyaaraha aadka u falanqeeya waxey kuu sheegayaan in wixii ka dambeeyey tartankii Olombikada dalalka Carabta ee lagu qabtay  dhamaadka sanadkii aynu kasoo gudubnay magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar ay sii kordheysay awoodda Sports ee Soomaaliya iyo in calankeenna uu fagaarayaasha aduunka si aad ah ugasoo dhex muuqdo.

Isla magaalada London waxaa Soomaaliya ay kaalin muuqata ka gashay tartankii Fanka Olombikada aduunka oo isagu halkaasi ka soconayey 26kii June ilaa 01-Jully ee isla sanadkan ay Soomaaliya ka mid noqotay 17ka wadan ee kaalmaha hore galay ayadoo guushaasi ay Soomaaliya heshay uu hormuud u ahaa Abwaanka  C/laahi Bootaan Xasan.

 

 

 

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM