afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:17 pm | Posted by

Dowlada Ingiriiska oo qiratay in ciidamo ay ka joogaan Gudaha Soomaaliya

Wasaarada Difaaca dalka ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo kuweeda ah ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamafa tiradooda lagu sheegay ilaa 10 ayuu Wasiirka didfaaca Ingiriiska uu sheegay in ay kusugan yihiin gudaha caasimadda Soomaaliya.

Wasaaraga Gaashaandhiga British-ka ayaa sheegtay in ciidamadaas aysan ahayn kuwa ka qeyb ah dagaaladda Soomaaliya laakiin si latalin ama caawin ah ay ula joogaan ciidamada Amisom.

Shaqadooda ayaa waxaa ay tahay oo kaliya la talin, daaweyn dhanka caafimaadka ah iyo taagerida xariirka

Qaar kamid ah ciidamadaas ayaa lagu arkay gudaha degmada Afgoye oo 30 KM ka baxan magaaladda Muqdisho taas oo dhawaan ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom Shabaab kala wareegeen.

Map

“waxaan udirnay Soomaaliya koox yar oo caawiyaal ah ciidamada Amisom. kama qeyb qaadanayaan dagaalada,” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaarada Difaaca Britsih-ka

Ciidamadaas lagu arkay Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Soomaaliya ay gashay marxalad cusub, iyadoona hada uu soconayo shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah.

Sidoo kale 20-ka Bisha August ayaa lagu wadaa in ay dhacod doorasho madaxweyne maadaama xiliga xilika dowlada uu xiligaas ku egyahay

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM