afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:22 am | Posted by

Qarax saaka ka Dhacay mid ka mid ah Bar Koontaroolada Oo kafog Xarunta shirka Ansixinta

Qaraxan  oo saaka abaarihii 8-dii subaxnimo laga maqlay degmada Xamar jajab, gaar ahaan Bar koontaroolada ugu soo horeeya ee laga ilaaliyo Ammaanka Xarunra School Polizio uu ka socda shirka Ansixinta Dastuurka.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Sheelaro, gaar ahaan meel Ciidamada Bar koontarool ku lahaayeen, iyadoo war soo baxaya sheegayaan in gaariga uu saameeyay gaari BL ah oo dad shacab saarnaayeen, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid meel ku aasnaa, wado dhinaceeda, iyadoo aan wax qasaare ah geysan, balse jugteeda ayaa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Inkastoo halka qaraxa ka dhacay aheyd goob aad uga fogeyd xarunta shirka ka socdo, hadana saameynta qaraxa ayaa ahaa mid magaalada oo idil jugtiisa laga dareemay.

Gudoomiyaha degmada Xamar jajab ayaa xaqiijiyay qaraxa, inkastoo uusan faah faahin, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa si adag u ilaalinaya ammaanka xarunta shirka Ansixinta dastuurka uu ka socdo, iyadoo wadooyinka laga soo galo iyo goobo aad uga fog xarunta xiray, ciidamo fara badan ay isku gedaameen.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM