afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:48 am | Posted by

Shirweynaha ansixinta Dastuurka oo Galay maalintii Sadexaad

Shirweynaha Ansixinta Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ah galay maalintii Sadexaad iyadoo ergada ka qeybgaleysa  shirka ay ka wada tashanayaan qaabkii ergada loogu aqrin lahaa qodobbada uu ka koobanyahay Dastuurka iyadoo ergada sameysanayaan Guddiyo shaqo kuwaas oo qeyb qeyb uga doodi doona Qodobbada Dastuurka ee u baahan in wax laga bedelo ama sidooda loo ansixiyo.

Raxmo Maxamed C/qaadir oo ka mid ah Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa warbaahinta qaranak  u sheegtay in maalintii ugu horreysay ee uu kulanka bilowday loo qeybiyay Ergada Qabyo qoraalka Dastuurka kaas oo in badan oo ka mid ah soo aqristeen waxa ayna tilmaantay in qodobbada qaarkood loo gudbin doono xubnaha cusub ee Baarlamanak si ay go’aan uga gaaraan.

Shirweynaha ansixinta Dastuurka dalka ayaa Arabacdii la soo dhaafay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho iyadoo ergada ka qeybqaadaneysa Shirka looga fadhiyo inay ku meel mariyaan Dastuurka horraanta bisha Augusta waxaana Ansixinta Dastuurka kadib odayasaha dhaqanka laga sugayaa inay soo

Gudbiyaan xubnaha cusub ee Golaha Baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo la filayo inay soo doortaan Afheyeenka Baarlamanka iyo ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hoggaamin dona Dowladda cusub ee la filayo inay ka dhalato gudaha dalka marka la gaaro 20-ka August ee sanadkan 2012-ka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM