Calanka Soomaaliya Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqday Furitaanka Tartanka Olombikada Aduunka”Sawiro”
Calanka soomaaliya ayaa si weyn uga dhex muuqday furitaanka tartanka Olombikada Aduunka oo ee lagu qabtay magaalada London ayadoo astaanta Calankeenana goobtaasi lagu garaacay.
Inkastoo astaanta calan ee dalalka ka qeybgalaya tartanka Olombikada Aduunka goobtaasi lagu garaacay hadana waxaa si gaar ah xusid u mudan iney tani ka dhigantahay sharaftii iyo heybadii aynu ku laheyn caalamka ee aan horey u burburinay ay soo laabatay maadaama 21 sano kadib aynu dib ugusoo laabanay fagaarayaasha Caalamka.
Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan waxey isha ku wada hayeen shaanshadaha caalamka gaar ahaan kanaallada Sportiga baahiya ayaga oo dhowrayey iney mar uun arkaan Calankeenna quruxda badan oo calammada caalamka fagaaraha furitaanka Olombikada Aduunka ee London kala muuqda,astaantii qarankeenana la garaacayo.
Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo uu dhiiragelinayo lana socdo orodahanka magaca iyo sumcadda Soomaaliya usoo hooyey ee Cabdi Bille Cabdi ayaa kasoo muuqday fagaaraha uu ka dhacayey hab maamuuska furitaanka tartanka Olombikada Caalamka waxaana xiliga ay socodka ku marayeen fagaaraha goobta looga garaacay astaanta calankeenna ayadoo telefishinnada caalamka oo idilna si toos ah looga daawanayey.
Waa mid muwaadin walba oo Soomaaliyeed dhaqaajineysa damiirkiisa marka uu Calankiisa ka arko shaanshado uu in mudo ah dalkiisu ka maqnaa shakina kuma jiro in dad badan oo aanay horey dareen gaar ah u geli jirin marka ay arkaan astaan dal calan oo loo istaagayo fagaare la mid ah fagaaraha furitaanka Olombikada ee London uu hada dareen galay kaasi oo lagu tilmaami karo iney
ogaadeen iney kasoo jeedaan dal jira oo leh Dowlad.




